26 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Madaxda ugu sareyso BF oo si deg deg ah ugu yeeray R/W Kheyre, maxaa soo kordhay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sareyso Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeeray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si wax looga waydiiyo arrimo ku saabsan dhismahada ciidamada qaran ee fasiraadaha badan laga bixiyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in su’aalo ku aadan qorshaha dhismaha Ciidamada laga weydiiyo, kulan gaar ah oo caawa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa, kaasoo looga yeeray Ra’iisul Wasaaraha kadib markii ay soo baxeyn warar kala duwan oo ku saabsan arrintaas.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa kulankaan ugu yeeray Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya maadaama ay yihiin Madaxda ugu sareyso Baarlamaanka .

Saxaafadda laguma casuumin kulankaas, waxaana la filayaa inay su’aalaha noqon doonaa kuwa xasaasi ah, wixii kasoo baxana waxaa lala wadaagi doono warbaahinta, balse inta uu kulanka socdo looma ogolaano doono inay goob joog ka noqdaan.

Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Baarlamaanka ay dood xasaasi ah ka yeesheen mooshin laga keenay qorhaha amniga qaranka ee ku saabsan dhismaha Ciidamada Xoogga.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qorshahan uu halis ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sidaas darteed ay Madaxda dowladda sameeyeen mas’uuliyad darro weyn.

Arrintaan ayaa soo shaac baxday kadib markii ay kulan wada yeesheen Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu heshiiyey in la dhiso ciidamo qaran oo gaarayo ilaa 18,000 oo askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News