Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka farxiyay Shacabka Kismaayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u dirayaan gudi warbixin ka keena dhuxasha faraha badan ee taala halkaas.

Arinta mamnuucista dhuxasha ayaa waxaa ay keentay isqab isqabsi wayn oo muda soo jiitamayay balse hada uu marayo meel fiican ayna u badan tahay in madaxwaynaha uu u fasaxayo dhuxusha dadkii lahaa inay iibgaystaan waxii ka dambeeyana ay mamnuuc tahay.

Madaxwaynaha oo ka hadlay dhuxusha faraha badan ee Taala Kismaayo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu badnaan xal u helayso dhuxusha dad badan ay juhdi geliyeen sida uu hadalka u dhigay ayna doonayaan inay ka macaashaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in markaan xal buuxa la heli doono qof walbana dhuxushiisii taala dakada Kismaayo la siin doona marka ay halkaas garaan gudi Muqdisho ka baxaya oo soo indha indhaynaya dhuxusha dakada taala laakiin waxaa uu ka digay madaxwaynaha in dadka ay jaraan dhirta.

Waxaa uu ka hadlay Madaxwaynaha ahmiyada wayn ay leedahay dhirta waxaana uu cadeeyay inuu ka xumaaday dhir jarida ka socota Soomaaliya.

hadalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ka ganacsada dhuxusha ee Kismaayo ku nool oo dhuxushooda ay ku xayirantahay Dakada Kismaayo.