Gerrard: Goolkii Ibrahimovic waa kii ugu fiicnaa ee aan abid arko.

Zlatan Ibrahimovic ayaa habeenkii arbacada laba cad ka dhigay xulka isagoo ka dhaliyey afar gool, oo uu ku jiro mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa ee taariikhda laga dhaliyo kubada cagta.

Weeraryahanka xulka Sweden ayaa noqday ciyaaryahakii ugu horeeyey ee afar gool oo isku makaan ah ka dhaliya xulka la niinaaso Three Lions, wuxuuna sidoo kale soo afjaray rikoorkii guul darro la’aanta ee tababare Roy Hodgson.

Goolkii ugu dambeeyey ayaa ahaa mid cajiib ah iyadoo uu 35 mitir laba lugootooy ugu dhaliyey Ibra, taasoo uu kabtanka xulka England Steven Gerrard ku tilmaamay goolkii ugu quruxda badnaa ee uu ebid arko.

Gerro, oo xalay u saftay xulkiisa kulankiisii 100aad ayaa yiri: “Wuxuu ahaa goolkii ugu quxroonaa ee aan abid arko. Uma maleynaayo inaan arki karo gool la mid ah.

“Wuxuu kubada ka laaday fogaan dheer iyadoo cabir lix cag ah ku jirta hawada — keliya ciyaaryahano kooban ayaa sidaas sameyn kara. Wuxuu ahaa gool heer sarre ah oo ka yimid ciyaaryahan heer sare ah. Ma ahan inuu qof walba dhaliyo balse maskaxdeyda ayuu ku weynaaday.”

Sawirada Goolkii uu Zlatan Ibrahimovic ka dhaliyey England.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.