Madaxwayne Xasan oo hogaaminaya dibad bax Muqdisho ka dhacaya.

Wararla aynu ka helayno saakay Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta muqdisho uu ka dhacayo dibad bax balaaran oo lagu taageerayo Xukuumada Tobonka Wasiir ee Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dhaqaaq dadka Shacabka ayaa ka socda degmooyinka waa wayn ee Muqdisho kuwaa oo ka qaybgalaya dibad baxa maanta oo khamiista ah qabsoomaya laguna taageerayo Wasiirada Cusub.

Sida ay wararka ay leeyihiin Madaxwayanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagi doona goobta uu dibadbaxa ka dhacayo ee Stidium Banaadir Isaga iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon halkaas oo dadka ay kula hadli doonaan.

Amaanka Caasimada Soomaaliya ayaa la adkeeya iyadoo xalay lasii howlgaliyay Ciidamada inay amaankeeda sugaan halka uu ka dhacayo dibad baxa.

Madaxwayanah Iyo Ra’iisul wasaarihiisa ayaa doonaya maanta muujiyaan  inay u diyaar garooween howlgalkooda afarta sano ee soo aadan.