Axmad Madoobe oo Liin ku dhiijiyay inuu Xiriir kala dhaxeeyo Kenya.

Gudoomiyaha jabhada Raaskambooni Axmad Madoobe ayaa beeniyay in dabada ay ka riixayso jabhadiisa Dowlada Wadanka Kenya.

Sheekh Axmad madoobe ayaa  ka hadlay xiriirka iyaga iyo Kenya u dhaxeeya oo Ciidamadeeda ay joogaan Soomaaliya.

Hogaamiyaha Raaskamboni ayaa gaashanka u daruuray Siyaasad ahaan Raaskambooni iyo Dowlada Kenya wax u dhaxeeya kadib markii ay soo baxeen in Kenya ay garab u tahay Raaskambooni.

“dadkaan waxay leeyihiin dowlada Kenya ayaa Qabiil taageeraysa waxayna wadataa nin la yiraa Axmed Madoobe, waxayna wadataa Qabiilka Axmed Madoobe”sidaa waxaa Yiri hogoomiyaha ururka rasklambooni.

Axmad Madoobe ayaa muhiimada dagaalka sal balaarsiga u wadaan waxaa uu ku sheegay inay tahay sida dadka shacabka ay u doortaan cidii iyaga u roon.

Warkan ayaa soo baxay xili uu jiro qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya ee fadhigeeda yahay muqdisho iyo Waliba Jabhada Raaskambooni oo shalay is hortaagid ku sameeyay Wafdi dowlada iyo AMisom oo gali lahaa kismaayo.