Madaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo la ERYAY

Seoul (Caasimada Online) – Baaralamaanka Kuuriyada koonfureed ayaa waxa ay maanta u codeeyeen in xilka laga xayubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood.

Afhayeenka golaha Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed oo lagu magacaabo Woo Won-shik ayaa sheegay in codbixinta ay u dhacday si degen oo waafaqsan xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo golahaas, codkana uu u batay in Madaxweynaha kalsoonidii uu waayay.

Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha.

Maxkamadda dastuurka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa muddo 180 maalin go’aan uga gaari doonto mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha la riday.

Madaxweyne Yoon iyo xulafadiisa ayaa waxaa ku socda baaritaan, iyada oo lagu eedeynayo kacdoon abuuris, waxaana xayiraad safar la saaray qaar ka mid ah saaxiibadiis.

Todobaadkii hore ayuu ka badbaaday xilka xayuubin baarlamaanku ku samayn rabay, waxa uuna xilligaas kadib ku dhawaaqay in uu dalka galiyay xaalad degdeg ah.