Madaxweynaha cusub ee DDSI oo sheegay halka uu ku danbeyn doono Cabdi Iley

Jigjiga (Caasimada Online)-Maalinimadii shalay waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?.

Madaxweynaha cusub ee badalay Cabdi Iley oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal.

Isaga oo Madaxweynaha cusub arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Mar wax laga weeydiiyay Madaxweynaha cusub waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badan ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.

Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isul wasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”.

Dhinaca kale, magaalada Jigjiga waxaa ka socda wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com