Madaxweynaha Falastiin oo dalab culus oo ka dhan ah ISRAEL u gudbiyay QM

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay inay hakiso xubinnimada Israel, haddii aysan joojin gardarrada ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Cabaas ayaa sidoo kale dalbaday in la hakiyo xubinnimada Israel, aysan u hoggaansamin fulinta go’aannada dhigaya in Israa’iil iyo Falastiin ay moqdaan kuwo si gooni ah u taagaan.

Dalabkan ayaa ku soo beegmay xilli dadka reer Falastiin ay wadaan xus ay ka qeybgaleen kumanaan dad ah oo ka soo qaxay dalka hadda loo yaqaan Israa’iil,kaas oo ay ka socdaan rabshado laga soo bnilaabo 75 sano ka hor.

Madaxweynaha oo qudbad qiiro leh ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ayaa xubnaha golahaasi waydiiyey sababta in ka badan 1000 qaraar oo khuseeya Falastiin ,kana soo baxay hay’adaha loo fulin la’yahay.

“Waxaan dalbaneynaa maanta si rasmi ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo go’aamada caalamiga ah, in aan hubinno in Israel ay ixtiraamto go’aamadaan ama ay joojiso xubinnimada Israel ee Qaramada Midoobay,” ayuu madaxweyne Cabbaas ku yiri khudbadiisa.

Khudbadda madaxweyne Falastiin ayaa waxaa kale oo ku jiray in dib loo soo celiyo qaxootiga Falastiiniyiinta ee ka cararay deegaanadooda, kuwaasi oo 15-ka May sanad kasta qabta xus loogu magac daray Nakba – ama masiibo.