Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro.

Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Xamarweyne, mana cadda weli nooca uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama xaqiijin weli cidda lala beegsaday qaraxaas oo sida aan xog hordhac ku helnay uu ka dhacay aagga City Mall ee degmada Xamarweyne.

Qaraxan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayo amniga Muqdisho, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee amaanka ay ka sameynayeen caasimadda.

Wixii ka soo kordha iyo faah-faahinta qaraxaan kala soco Caasimada Online.