Madaxweynaha HirShabelle iyo xubno kale oo Jowhar ku xanuunsan kuna jira karantiil

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah.

“Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.”

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba.

“HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha oo la hadlay Radio Kulmiye