Dagaal hub kala duwan la isku adeegsanayo oo maanta ka billowday BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Wararka aanu hadda ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in bariga magaaladaasi uu saaka ka qarxay dagaal xoogan.

Dagaalkan oo saaka ku soo waa-bariisteen dadka reer Boorama, ayaa waxa uu ka dhex qarxay labo beel oo wada degta deegaanka bariga Boorama, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanayey hub kala duwan, iyada oo dhawaaqa rasaasta oo xoogani la maqlayey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul-beereed ku yaala bariga magaalada Boorama, kaasi oo ay si weyn ugu muransanaayen labada dhinac ee uu saaka ka dhex qarxay dagaalku.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo saacado socda, maadama uu weli uusan joogsan oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan hub kala duwan.

Mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Awdal oo ku aadan dagaalkaasi saaka ka qarxay magaalada Boorama ee ila hadda ka socda iyo ciidamo ku baxayba deminta xiisadaasi.

Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online