HALISTA CORONAVIRUS IYO NUGAYLKA AFRIKA

Waxa ay u muuqataa in Fayraska Karoonuhu uu si qun yar ah ugu fidayo qaaradda Afrika marka loo eego gobolada kale ee dunida. Ururka xuquuqda aadamaha udooda ayaa iyaguna aad uga cabsi qaba inuu Cabudhkani waxyeelo wayn gaadhsiiyo guud ahaan qaaradda, sababta oo ah iyada oo aanay jirin adeegyo ku filan oo caafimaad hadiiba uu fayrasku soo gaadho.

Waddamo badan oo Afrika ku yaala ayaan lahayn adeegyo caafimaad oo ku filan ama la tacaali kara hadii cudurku uu usoo talaabo, mana jiro kaabayaal caafimaad oo ku filnaan kara la tacaalidda cudurka. Fiditaanka cudurka oo aad uhooseeya guud ahaan qaaradda ayaa waxa uu rajo galiyay dawladaha afrikaanka, waxaana uu jaanis usiiyay badankoodu inay kasii diyaar garoobaan intii awoodooda ah, laakiin nasiib darro majiro diyaar garaw fiican oo muuqdaa iyada oo maalin kasta dhimashada dadka ee qaaradaha kale ay kumannaan qof dhaafayaan, si baaxad lehna uu ugu fidaayo. Sida oo kale qalabka tijaabada iyo daawaynta cudurka ayaan wali qaaradda meelo badan gaadhin amaba se aan ku filnayn, taasina waxa ay keeni kartaa in ay jiraan kiisas ka badan inta ay ku dhawaaqeen. Inta waayo-aragnimada Aadamuhu ay gaadhsiisan tahay way jiri jireen cuduro badan oo Saf-mar ah balse waa ay ka khatar yaraan jireen fayraskan, tan ayaana guud ahaan caalamka ku keentay in ay dhayal sadaan isla markaasna uu nafo badan uu galaafto.

Dawlaha Afrikaanka ah waxa ku waajib ah in ay dadkooda baraan fayraskan cusub isla markaasna ay xakameeyaan fiditaankiisa, dadka cudurku uu soo ritana ay karantiilaan si gaar ahna uga war hayaan dadka aadka ugu nugul fayraskan.

Dawlado badan ayaan wali talaabooyin ka qaadin ka hortaga inuu cabudhkani soo gaadho waddamadooda, halka ay qaar kale aaminsan yihiinba in uu cabudhkani yahay fayras ajaanibta oo kaliya ku dhacaya. Waddano badan oo qaaradda ah ayaan wax maalgalin ah ku samaynin adeegyadooda caafimaad amaba aan wax qorshe ah kasii yeelan sidii ay ula tacaali lahaayeen, sidoo kale waxa iyana aan jirin ama aadba ukooban kalkaaliyayaasha caafimaad ee wadamadu ay haystaan.

Waddanka Burundi markii laga helay labadii kiis ee ugu horeeyey 31 bishii Maarij, waxa ay dawladdu ku dooday in fayraskan uu ka difaaci doono Ilaahay, taas oo ah aaminaad guud oo ay ka siman yihiin Afrikaanku. Waddanka waxa aad uhooseeya naadafadda meelaha ay ugu talo galeen in ay dadka uu cabudhkani ku dhaco ay ku karantiilaan.

Waddanka koonfurta Suudaan wali kiisas kuma dhawaaqin tanina maaha macnaheedu inaanu cudurku jirin ee si qarsoodi ah ayuu dadka ugu dhex fidayaa.

Waddamada qaarkood ayaa u isticmaalay xoog si ay dadka ukarantiilaan gaar ahaan dadka qurbaha ka yimid, islamarkaasna ay iska bixinayaan kharashaadka ku baxaya mudada 14-ka cisho ah, dadka qaar ayaa lagu khasbay inay ku sugnaadaan madaarada taas oo arinta sii xumayn karta sida waddanka Yugaandha.

Dawladaha qaar ataa isticmaalay xoog si ay dadku ugu sugnaadaan guryahooda sida Kenya oo ku toogatay wiil yar oo 13-jir ah. Dawladda Itoobiya ayaa iyana xidhay khadka Internetka muddo sadex bilood ah gobolada galbeedka Oromada, tanina waxa ay yaraynaysay helitaanka warbixinta la xidhiidha fayraska in kasta oo ay 31 Maarij ay dawladdu dib u furtay kadib cadaadisyo lagu saaray arintaas si dadka noloshooda loo badbaadiyo.

Waxa iyana la arkay booliska koonfur Afrika oo biyo iyo rasaasta caaga ka samaysan u isticmaalaya dadka darbi-jiifka ah si ay ukala dareeriyaan, ku darso oo dadkaasi ma haystaan wax guryo ay u hoydaan. Dadkan waxa markii danbe loo qorsheeyey in ay uhoydaan Dugsiyada waxbarashada, goobaha cibaadada iyo garoomada si ay ukala fogaadaan.

Cabudhkani dadka oo dhan waxa uu galiyay khatar, dadka qaar waa ay awoodaan in ay dhimaan la kulanka dadka, balse badi dadka Afrikaanka ah oo u badan dad fuqaro ah waxa ay nolol maalmeedkooda ka helaan suuqa iyaga oo qabanaya shaqooyin kala duwan. In markaas dadku guryahooda joogaan waxa ay ka dhigan tahay in ay waayaan cunto iyo wixii ay ku noolaan lahaayeen isla markaasna ay udhintaan gaajo ama macluul. Hadii markaas aanay dawladuhu keenin qorshe dadkaas lagu caawinayo, waxa iska cad inaanu qofna gurigiisa gaajo la fadhiyayn waayo iyaduba waa cudur.

Waddamo badan ayaa bishii Jeenawari ba joojiyay socdaalka dadka taas oo ahayd wakhti aad uhoreeya tusaale ahaan waddanka Suudaan. Waddamada ay ka jiraan khilaafaadku sida; Koonfur Suudaan, Jaamuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, IWM dadkodu khatar ayay ku sugan yihiin, wayna adag tahay in si fudud loola tacaalaa.

Cudurkani waxa uu si siman ugu dhacayaa Aadamaha oo dhan balse saamayntiisa waa loo kala badan yahay. Ilaa hadda inta la og yahay waxa cudurka aad ugu nugul dadka da’da ah, caruurta ka yar 5 Sanno, dadka qaba xanuunada sida macaanka, amaba dadka uu hooseeyo difaaca jidhkoodu. Balse wali Afrika lama oga in sidaasi ay sax ku noqon doonto maadaama ay qaaradda cuduro aad u badani ka jiraan, badi dadkana ay heerka macluusha iyo nafaqo daradu aad u sarayso. Sida oo kale waxa laga cabsi qabaa inuu fayraskani dilo caruur aad u badan maadaama ay heerka nafaqo la’aanta caruurtu aad u sarayso, islamarkaasna ay gooryaanada ku dhex noolaada binu aadamku uu ku badan yahay caruurta Afrika.

Afrika maadaama ay tahay meesha dagaalada ugu badan dunidu ay ka dhacaan, waxa jira maxaabiis aad u badan oo ku jirta jeelasha taas oo horseedi karta inuu si fudud ugu dhex fido cudurkani. Waxa sida oo kale oo ay Haayadaha xuquuda aadanaha u doodaa ay ka cabsi qabaan in uu bato kufisga lagula kaco caruurta iyo waliba inuu bato guurka degdega ah ee hablaha aan qaangaadhin maadaama hadda dugsiyadii la fasaxay. Wadamada horumaray waxa ay bilaabeen in ay internerka ugusoo gudbiyaan casharadii, taas oo aad u adag guud ahaan qaaradda.

Waddamada horumaray waxa ay heleen guud ahaan adeegyada aasaasiga ah oo u saamaxaya in ay kusii hakadaan guryahooda, taasina macquul kama ah Afrika. Meelo badan oo qaaradda kamid ah Adeegyada sida; Laydhka, isgaadhsiinta iyo biyuhuba waxa ay gacanta ugu jiraan ganacsato faa’ido doon ah.

Dadka hantida leh ee Afrikaanka ah iyo Madaxda wadamaduba ma helayaan fursad ay ugu baxaan dunida kale maadaama socdaaladii wadamo badani xidhan yahay, taas oo isku fursad kala dhigaysa dadka caadiga ah.

Afrika badbaadada ilaahay oo kaliya ayay rajo leedahay, Ilaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu naga badbaadiyo Aafadan halista badan. Baryada Alle swt ha la badiyo.

W/Q: Muuse Cabdi Maxamuud
EMAIL: muuze438@yahoo.com