Madaxweynaha HirShabelle oo magacaabay wasiiro cusub (Aqri magacyada)

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu isku shaandheeyay golaha wasiirada maamulkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay isku shaandheynta golaha wasiirada Hirshabeelle, waxaana arinta ay dib u dhacday kadib markii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay isku qabteen isku shaandheynta iyo dadka xilalka weyn kara.

Isku shaandheynta ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana arintan la sheegay in laga damacsan yahay in looga hortago mooshinada xildhibaanada.

21 ruux oo kasoo muuqday isku shaandheynta wasiirada Hirshabeelle hal ruux kaliya ayaanan aheyn xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana muuqata in xildhibaanada difaac laga doonayo marka mooshin uu yimaado.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com