RUTO oo Soomaaligii ugu horreeyay u magacaabay agaasimaha Sirdoonka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne Kenya William Ruto ayaa maanta waxa uu u magacaabay Nuuradiin Yuusuf Xaaji inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo NIS.

Madaxweyne Ruto oo is-bedello ku sameynaya hay’daha dowladda ayaa waxa uu sheegay haddii magacaabistan uu meel-mariyo baarlamaanka uu Nuuradin Xaaji bedelayo Philip Kameru oo lagu wado inu noqdo howl-gab.

Philip Kameru ayaa waxa uu ahaa agaasimaha Sirdoonka Kenya ee NIS tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay bayaan kabsoo baxay madaxtooyada Kenya, Ruto ayaa ku tilmaamay Kameru “waxqabadkiisa NIS mid aad u wanaagsan,” isaga oo dalka ka caawiyay ka hortagga argagixisada, dambiyada caalamiga ah iyo “khatarta ugu weyn ee amnigeena.”

Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo madaxweyne William Ruto u magacaabay agaasimaha NIS ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horreeyey ee xilkaas qabta, haddii uu ansixiyo baarlamaanka Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo kamid madaxda Soomaalida ah ee durba soo dhaweeyay magacabistiisa, ayaa waxa uu sheegay in Nuuradiin Xaaji loo magacaabay booskii ku habboona.

“Mudane Xaaji kuma cusba hawsha loo magacaabay. Isagoo soo noqday Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud (DPP) iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dembiyada Abaabulan ee NIS,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Kenya.

Waxa kale oo uu intaas sii raaciyay “Xaaji waxa uu leeyahay khibradda lagama maarmaa u ah masuuliyadda cusub ee loo igmaday.”

Isbeddalkan uu maanta madaxweynaha Kenya William Ruto ku sameeyay hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NIS ayaa qeyb ka ah isbeddalo uu ku sameynayay hay’daha dowladda ee dalkaasi Kenya.