Somaliland oo guul ka sheegatay dagaalkii maanta, eedeyn culus-na u jeedisay…

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, kaasi ay guulo waaweyn ka sheegatay.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhamasaar ee galbeed ka xiga Laascaanood, kaasi oo markii dambe kusii fiday bariga magaalada.

Taliyaha Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Taani oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa waxa uu sheegay in dagaalka saaka ay soo qaadeen kooxo uu ku sheegay huwan, islamarkaana ay ciidamada Somaliland iska difaaceen, jab xooggana ku gaarsiiyeen, sida uu sheegay.

“Ciidanka Qaranka JSL guulo ayuu ka gaadhay dagaalo ay ku soo qaadeen huwanta qaska ka wada gobolka Sool,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaad ay qeyb ka yihiin kooxa argagixisada oo soddomeeyo tiknikada dagaalka ay isku dayeen inay jaraan wadadda muhiimka ah ciidamada Somaliland ee saldhiga Goojacadde.

“Ciidanka halkaas soo galay oo soddomeeyo tikniko ah watay, ayaa waxa uu doonayay wadadda inuu qabsado taakuleyntana uu ciidanka ka jaro, ciidanka Qaranka isaga oo ku xisaabtamaya arrintaas guluf ayuu kala hortagay oo waa la jabiyay, deegaankii lagu dagaalameyna waxaa gacanta ku haya ciidanka, iyagiina waxay u yaaceen tuullada la yidhahdo Bale-Hadhac,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Somaliland.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Khasaare wuu dhacaya, dhimasho iyo dhaawac wey dhacayaan, laakiin yaa guusha helay ayaa taalla, guul ayaa intaba laga gaadhay.”

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in duulaanka cusub ee SSC uu ujeedkiisu yahay carqaladeynta xuska 18-ka May, oo ay Somaliland si weyn u xusto, maadama ay tahay maalinta gooni isu-taagga ay ku dooddo

“Ciidanka Qaranka meel walba oo uu joogo guul ayuu rejaynayaa, waana uu ku guuleystay illaa inta uu galay. Waxa shacabka u sheegaynaa in howsha ay inoo igmadeen oo ah difaaca Qaranka aynu sideeda u hayno, daafici doono oo guulna gaari doono.”

Taliyaha Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Taani ayaa markale ku celiyay eedeynta ay hore u jeedisay Somaliland ee ah in dagaalka ay qeyb ka yihiin qaswadayaal iyo kooxaha argagixisada, oo ka barbar dagaalamaya kuwa deegaanka ee SSC.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay gacan ku dabaal-degayaan xuska 18-ka May, gacanta kalena ay ku difaacayaan Qarankooda, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Somaliland