DF oo dalka ka ceyrisay laba qof oo ajaanib ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaabi ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu ka codsaday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo isagu eedeyn culus u jeediyay labadaan ruux.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa labadaas ruux ku eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharuucda iyo xeerarka dalka, xilli uu dhawaanahan uu waday daba-gal uu ku hayo ajaanibta dalka ku sugan iyo shirkadahooda ka howl-gala caasimadda.

Labadaan ruux ayaa lagu kala magacaaba Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jacek iyo Ralf aya waxaa la sheegay inay ku xad-gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka, islamarkaana ay ka dhex baxeen anshaxa iyo dhaqanka diblumaasidadeed.

Si shaacsan ah looma sheegin waxa ay ku kaceen labadaan ruux ee dhalasho ahaan kasoo kala jeeda dalalka Poland iyo Jarmalka, marka laga imaado inay ku xad-gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka.

Shalay unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Shirkadaasi oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

Si kastaba, Xafiiska ayaa shalay waxa uu digniin u diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka.