Madaxweynaha maamulka SHABEELLE State oo ka hadlay qorshihiisa cusub

Afgooye (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuur Cabdi Mardaadi ayaa ka hadlay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono.

Isagoo ka hadlaayay xafladda lagu doortay ayuu sheegay in maamulkiisa uu mudnaanta koowaad siin doono arrimaha ammaanka iyo siddii dib loogu soo noo leyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee labadaas gobal ay lee yihiin.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State
Madaxweynaha maamulka Shabeelle State

Abuukar Mardaadi ayaa xusay in labada gobal loo sameeyn doono ciidamo ammaanka suga si looga fogaado dagaallada qabiilka ku saleesan ee labadaas gobal ka dhacay mararka qaar.

Wuxuu xusay in la sameyn doono ciidamo ammaanka suga, isagoona intaas ku daray in ay dhammaadeen dagaalladii gobalka ka dhici jiray ee abaabulnaa qaabka qabiilka sidda uu yiri.

Mardaadi oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu suuq geyn uu sameyn doono wax yabaaha ka soo go’a beeraha labada gobal.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay siddii looga faa’ideesan lahaa ilaha dhaqaale ee gobalka uu caanka ku yahay, isagoona hoosta ka xariiqay in dib loo soo nooleyn doono warshadihii Sonkorta ee Jowhar iyo dharka ee Balcad.

“Muuska, liinta iyo sisinta ayaa suuq geyn u sameyn doonaa oo waxaa laga iibin doonaa ganacsatada Yurub” ayuu yiri

Maamulka Shabeelle State ayaa ka mid noqday maamulo fara badan oo laga dhisay qaybo ka mid ah dalka, kuwaasoo hadda u muuqda in ay soo badanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com