Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleyso yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.
“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha. Waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxaan u taagan nahay inaan dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan, Talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay muujiyaan doorka uga aadan horumarinta xaquuqda aadanaha, isagoona ku celceliyay in gabood falllada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha aysan Soomaaliya boos ku lahayn.
Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka ayaa maanta oo ku beegan December 10 ayaa laga xusayay sannad kasta caalamka oo idil.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho