Marka (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.
Sida ay lee yihiin maamulka gobalka Shabeellaha Hoose, madaxweynaha wuxuu caawa kulan la lee yahay maamulka iyo odayaasha kau dhaqan magaalada Marka.
Waxaa looga hadlayaa kulanka sida loo nabadeen lahaa beelo dhawaan ku dagaalamay Marka iyo deeganno hoostaga gobalka Shabeella Hoose.
Waxaa laga yabaa in madaxweynaha uu maamul cusub u magacaabo magaalada Marka iyo guud ahaan gobalka Shabeellaha Hoose, sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Shabakadda Caasimada Online.
Dhawaan ayaa magaalada Marka waxaa gaaray wafdi ka socda wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, kuwaasoo halkaas u tagay in ciidamo dowladda ay geeyaan balse waxaa arrintaas gaashanka u daruuray maamulka ka jira magaalada Marka.
Madaxweynaha wuxuu maamulka magaalada kala hadli doonaa isbaarooyin fara badan oo la soo dhigay waddada u dhexeesa magaalada Marka iyo degmada Afgooye.
Madaxweynaha kulamada uu caawa ka wado Marka waxaa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur, xildhibaanno ka soo jeeda gobalka iyo taliyayaal ciidan.
Booqashada madaxweynaha ayaa qaadan doonta muddo labo cisho, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay dabayaaqadii bishii September sanadkii 2012.
Madaxweyne Soomaaliya ayaa horey u booqday magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Garoowe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Marka

