Faroole oo la kulmay Hailemariam iyo dacwad ka dhan ahayd DF oo Ethiopia ay jawaab yaab leh ka bixisay + Sawiro

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo booqasha ku jooga magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Kullanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dacwado ka dhan ah Dowladda Federaalka Somalia, oo uu Faroole u gudbiyey Hailemariam, isaga oo ka codsaday Ethiopia inay taageerada kala kaalabato DF.

Faroole ayaa u sheegay Hailemariam in dowladda Somalia ay beddeshay dastuurkii dalka sida uu isaga ku dooday, sidaa darteedna aysan Puntland la shaqeyn karin.

Madaxweynaha Puntland Faroole, ayaa sidoo kale ka codsaday Ethiopia inay ka caawiso sidii Midowga Yurub ay Puntland ugu ogolaan lahaayeen inay shirka New Deal uga qeyb gasho si ka madax banaan Dowladda Federaalka.

Tani waxa ay ka dambeysay kadib markii dadaallo qaatay toddobaad oo Faroole uu ka sameeyey Nairobi oo ku saabsanaa arrintan ay fahsil kusoo dhammaadeen.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ugu baaqay Faroole inay qurxoonaan lahayd in waxyaabaha ay kala tirsanayaan isaga iyo DF ay si hoose u xalistaan, islamarkaana uu si toos ah dowladda ula hadlo, intii uu dalal kale uga dacwoon lahaa.

Hailemariam, ayaa sidoo kale Faroole ku war geliyey in Ethiopia aysan iska lahayn maamulka shirka New Deal sidaa darteedna aysan wax caawimaad ah siin karin Puntland oo ku saabsan qaabka ka qeyb galka shirkaas.

Haddallada Hailemariam ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha deibedda Ethiopia uu sidaas oo kale u sheegay Faroole, balse uusan ku qancin oo uu codsaday la kullanka Hailemariam.

Sawirrada kullanka

faroole hailemariam 1faroole hailemariam 2

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com