MUQDISHO: Khasaaraha ka dhashay dhacdadii naxdinta lahayd ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo maanta duhurkii ka kacay suuq ku yaala agagaarka sarta Seybiyaano ee degmada Hodan.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo tagay goobta ayaa soo sheegay in uu arkay meydka qof ruux oo ku dhintay fuusto shidaal oo ku qaraxday intii dabka uu socday.

Sidoo kale, wariyaha ayaa ku soo warramay baabuurta gurmadka in ay isbitaalada u qaadeen ilaa siddeed qof oo dhaawac ah kuwaasoo shan ka mid ah dumar kuwaasoo hanti ay soo badbaadsanayeen ku gubtay dabka oo dhul badan baabi’iyay.

Dabka ayaa baabi’iyay kaalmo shidaal oo ku yaalla suuqa, waxaana uu dabka ku faafay xaafado iyo goobo ganacsi oo ku yaalla inta u dhexeesa Isbitaalka Banaadir iyo Ex-Control ee Afgooye.

Sidoo kale dabka wuxuu baabi’yay kalamo shidaal iyo goobo ganacsi oo ku yaala goobaha uu dabka qabsaday.

Dabka oo lagu guuleestay in la damiyo ayaa waxaa door ka geestay maamulka gobalka Banaadir, shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga dabka maanta ka kacay suuqa ku yaala sarta Seeybiyaano ee degmada Hodan.

Inta badan ma ahan wax ku cusub dabka ka kaca suuqa magaalada Muqdisho, balse waxaa yer in laga hortago waxaana ay reebaan raad xub iyo khasaaro xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com