25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha oo codsi muhiim ah ka jeediyey Jowhar + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii booqasho saacado qaatay oo uu ku tegey galabta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Madaxweynaha wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirka horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed,xildhibaanno, guddoomiyaha rugta ganacsuga iyo xubno ka socday dowlada Turkiga ayaa la hadlay dadka.

Madaxweynaha ayaa la hadlay dad weyn ku soo dhaweeyay magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in magaalada ay u yimaadeen markii mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe ay u soo gudbiyeen warbixinno la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin dadweyn fara badan oo ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in marka horre arrinta ugu horreysa ee ay u yimaadeen magaalada ay tahay siddii ay bal ku soo arki lahaayeen dhibaatada uu yeeshay wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in dowladda ay iska yertay awooda ay ku lee dahay in ay wax ka qabtaan xaaladda uu sameeyay wabiga Shabeelle, balse wuxuu muujiyay in ay gargaar keeni doonaan magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen sheegay in maalmaha soo socda ay heli doonaan gargaarka dadka ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dal ama dibad in ay si deg deg ah uga soo gaaran wallaalahooda dhibaateysan.” Saa waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “ Sidoo kale waxaa ka codsanayaa in kaalmo deg deg ah ay la soo gaaraan degaanadda ay mucjisadan qabsatay. Xiliyadda adag oo ay jiraan dhibaatooyinka waa in aan is garab istaagnaa oo aan hal meel uga soo wada jeesano anaga oo hal umad ah.”

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano, Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, Heyada Bisha Cas ee Turkiga, Heyadda Gargaarka ee Qatar, Masuuliyiin ka socday Isu taga Imaraadka Carabta, iyo Somali Chamber of Commerce.

Madaxweynaha Jowhar (1)Madaxweynaha Jowhar (2)Madaxweynaha Jowhar (3)Madaxweynaha Jowhar (4)Madaxweynaha Jowhar (5)Madaxweynaha Jowhar (6)

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News