Xasan Sheekh oo ka hadlay qunsulka Kenya u soo magacowday Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qunsulka Kenya u soo magacowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saxaafadda ay weydiiyeen wax yaabaha ay kala socdaan qunsul Kenya ay toddobaadkan u soo magacowday Kismaayo uu tagay halkaas.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ilaa hadda wado baaritaan ku aadan ninka yimid Kismaayo ee la sheegay in uu yahay qunsulka Kenya u fadhiya Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay xiriir la sameeyeen dowladda Kenaya oo ay arrintaas wax ka weydiiyeenm wuxuu xusay in Kenya ay sheegtay in wax qunsul ah ilaa hadda soo magacaabin marka laga reebo safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu hoota ka xariiqay marka loo eego xeerarka caalamiga in aaney dhib ku jirin in qunsul dowlad ay soo magacowdo oo magaalo ka mid ah Soomaaliya, sidda Beledweyne, Hargeysa iyo Garoowe xafiiska uu ka dhigan karo.

Wuxuu sheegay marka loo eego Soomaalida waxa ay lee yihiin safiiro iyo qunsuliyado oo kala magaalo ku shaqeya arrintaasna ilaa hadda baaritaan ayaa ku wadnaa ayuu yiri.

Madaxweynaha dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xiriir u la sameeyay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, kaddib markii labada maamul ay ku sigteen in uu dagaal ka qarxo.

Wuxuu sheegay in xiisadii ka taagneed Taleex dowladda Soomaaliya ay doorweyn ku lahayd siddii loo qaboojin lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com