PUNTLAND OO SHAN ARRIN DALBATAY

Garowe (Caasimada Online) – Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxwaynaha Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii beesha caalamka looga heli lahaa gargaar deg deg ah oo lagu sabaxato bixiyo qoysas kumanaan gaaraya oo mucaawino u baahan.

Camay ayaa shalay madaxtooyada kula shiray guddga abaaraha ee Puntland waxayna ka wada hadleen xaalada qoysaska gaaraya 300.00 oo gurmad degdeg ah u baahan maadama ay saamayn ka soo gaartay roobabkii qabowga watay ee sanadkii hore dhamaadkiisa ka da’ay deegano ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay codsi 24/04/2014 loo gudbiyey hay’ada Initial Humanitarian Affairs And Disaster Managemant Agency (HADMA), iyo sida ay u arkeen wax ka qabashada amuurtaasi haday yihiin Inter- Agency mar haday ay ka war qabaan xaalada abaareed ee ka taagan Puntland.

Dhowr qodob ayay labada dhinac ka hadleen oo lagu sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto.

1. In dayactir lagu sameeyo ceelsha biyaha ee deegaanada miyaga loona baahan yahay in lala soo gaadho agab dayactir.

2. In biyo deg deg ah lala soo gaadho meelaha oomanaha ah.

3. In iyada oo la eegayo dhinaca aadminimo si dhakhso ah loo diyaariyo qalabka biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira.

4. In la diyaariyo xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay usaameeyeen Abaaruhu.

5. In si dhakhso ah xoolaha nool ee kusgan meelaha Aabaaruhu aadka usaamaayeen loo gaadhsiiyo daawayn iyo xanaanayn.

Dawlada Puntland ayaa dhankeeda waxay sheegtay inay qaadan doonto qayb lixaad leh sidii dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee Abaaruhu ku habsadeen loo gaadhsiin lahaa gurmad degdega.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in xaalada baniaadanimo ay kasii dari doono haddii xili roobaadka gugu uu dib u dhaco Abaartuna sii daba dheeraato.