Madaafiic lagu garaacay Muqdisho oo dad badan ay ku baaba’een xalay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmayn madaafiic xaley lagu garaacay xaafaddo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in uu arkay meydka shan qof oo ay ku jiraan aabo iyo wiilkiisa oo ku dhintay madfac ku dhacay gurigooda sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo labo carruur kale.

“Xaley xaafadda waxaa ku soo dhacay ilaa shan hoobiyaal ah kuwaasoo khasaaro geestay, waxaana ku dhintay shan qof 11 kelana waa ay ku dhaawacmayn, madaafiicda waxaa loo waday fadhiisin ciimada AMISOM ay ka deggan yihiin kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Siliga Marayka” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Wuxuu sheegay in goobta saakay ay soo gaareyn ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hadda baaritaano ka wada xaafadda ay dhacdada ka dhacday.

Wuxuu sheegay in madaafiicda laga tuurayay baabuur nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeeyda oo xaafadda ayaa lagu arkay ayuu sii raaciyay hadalkiisa goobjoogaha noo warramay.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay madaafiic xaley lagu weerarray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com