Dowladda KENYA oo digniin la siiyey

Nairobi (caasimada Online) – Hay’adaha u dooda xaquuqda bini’aadamka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay howlgalada ay ciidanka Kenya ay ku dhibaataynayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magalada Nayroobi.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee HRW ayaa lagu sheegay inay sii socdaan howlgalada lagu baacsanayo Soomaalida Xafada Islii ee magalada Nayroobi taasoo ka hor imaanaysa ilaalinta xaquuqda caalamiga ah,waxayna Hay’addu Kenya ugu baaqday inay joojiso tacadiga ay dadka rayidka ah ku hayso.

“Ciidamada Kenya ayaa joogteeya cadaadiska dadka jilicsan oo ay ugu horeyaan Soomaalida sababtuna ma ahan in Kenya ay raadineyso nabad u gaar ah, nabadu waxa ay ku jirtaa la dhaqanka bulshada, Soomaaliduna arinkaasi door muuqda ayeey ku leeyihiin, dowlada Kenya waa iney dib u eegtaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamadeeda”

Dowladda Kenya ayaa xaafada Islii ku tilmaamtay xaafada musuq maasuqa ee ciidanka Kenya ay ku badan yihiin taasina waxay keentay in Soomaalida degan si arxan daro ah loola dhaqmo.

Madaxwaynaha DF ayaa sheegay inay ka xun yihiin falka lagu raafayo shacabka Soomaaliyeed iyadoona aysan jirin ilaa iyo hada tilaabo ay ka qaadeen arrintasi.

Safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Ameerica ayaa sheegay Dowlada Kenya inay raali galin ka bixiso xariga ay ciidanka Nayroobi u gaysteen Siyaad Maxamed Shire oo safaarada ka tirsan.

Sanadkii qaad ”Jaad”ku fadhiya malaayiin doolar ayay Kenya keentaa Soomaaliya waxana socda mooshin xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ka wadaan qaadka si dalka looga mamnuuco.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com