Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Maalinta berri ah waxa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ka furmaya shir heer caalami ah oo ay lee yihiin madaxda waddamada midowga Africa.

Shirkan wax yaabaha meesha sare kaga jira waxa ka mid ah arrimaha Soomaaliya, maadama Soomaaliya ay lee dahay dowlad caalami ah.

Soomaaliya waxa shirkaas uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shirka ka furmaya Axada berri Addis Ababa waxa ka horreeyay shir kale oo yeesheen labadii cisho ee la soo dhaafay wasiiradda arrimaha dibedda IGAD iyo midowga Africa.

Sida ay lee yihiin diplomaasiyiinta ku sugan Addis Ababa, waxa la filayaa in shirka si gaar ah looga hadlo arrimaha Soomaaliya oo dhawaan aqoonsi caalami ah ka heshay dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu shirkaas ka sheego wax yaabaha u qabsoomay dowladiisa muddadii ay jirtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan waxa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda ka qaybgaleysa.

Madaxda ka qaybgaleysa waxa ka mid ah madaxweynayaasha Somalia, Kenya, Ghana, iyo wasiirka arrimaha dibedda Iran Ali Akbar Salehi.

Shirkan oo berri billaabanaya ayaa wuxuu socon doona labo maalmood sida ay lee yihiin diplomaasiyiinta ka qaybgalaya.

Waa shirkii 20-aad oo ay yeesheen madaxda midowga Africa, waxa kaloo shirka looga hadli doonaa khalaasaha ka taagan dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Maali.

Ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada ku soo qulqulaya diplomaasiyiin iyo wafuud caalami ah oo gobalka iyo adduunka ka immaaneysa.

Caasimada Online

Xafiiska wararka Addis Ababa