Madaxweynaha Oo Kulamo Xasaasi Ah Laleh Odoyaasha Dhaqanka

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Villa Somalia kasocday kulamo is daba joog ah oo uu madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh maxamuud laqaadanayay odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xubnihii baarlamanka,kulumadan ayaa ku saabsan soo magacaabista Ra’iisulwasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii lo dhaariyay xilkan waday latashiyo dhinacyo badan uu lalahaa,si uu usoo magacaabo ra’iisulwasaare ay dadka soo dhoweeyaan islamarkaasna lajaanqaadi kara isbadalka wadanka kacurtay.

Madaxweynaha ayaa waxaa haysta culeys kaga imaanaya dhinacyo badan,waxaa jiro balanqaadyo uu sameeyay xiligii doorashada taasoo ay siyaasiyiinta qaar ee codadkoda siiyay ay doonayaan in uu iyaga umagacaabo xilkaan ama qof ay wataan iyaga,sidokale waxaa jira cadaadis kaga imaanaya dhanka beesha calamka oo iyagana wata shaqsiyaad,iyo Puntland oo iyadana taagan hadan anaga nala siin jagadaan kama mid ahaan doono dowlada cusub.

“Waxaan doonayaa inaan Ra’iisul Wasaare soo magacaabo, Taasina waxay igu kaliftay inaan la tashiyo sameeyo” ayuu Madaxweynuhu ka sheegay kulamo uu Baydhabo iyo Baladweyne kula qaatay waxgaradka Soomaaliyeed.

Hadalo badan ayaa kasoo baxaya magacaabista Ra’iisul wasaaraha iyadoo Xasan Shiikh uu dhow jeer uu isbedel sameeyay, iyadoo la sheegay in mas’uulkii uu doono inuu ku dhawaaqo ay ka daba imaanayaan hadalo, taasina ay tahay mida dhowr jeer dib u dhigtay magacaabida.

Todobaad keliya ayaa ka haray xiligii Madaxweynaha uu ku dhawaaqi lahaa Ra’iisul Wasaare uu dalka yeesho, Laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in kulamada uu hada ku jiro ay yihiin kuwiisii ugu dambeeyay.

Dhowr qof ayaa ku Tartamaya inay xilka Ra’iisul Wasaaraha qaabtaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Prof. C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo noqday Ra’iisul wasaare xiligii ku-meel-gaarka lagu jiray.