Madaxweynaha Somaliland oo arrin yaab leh isku-sifeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb-galay ololaha xisbiga Kulmiye ee uu guddoomiyaha u yahay ayaa fagaaraha ka sheegay arrin yaab leh, isaga oo ka jawaabaya eedeyn uga timid guddoomiyaha xisbiga Ucid.

Muuse Biixi ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin.

“Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri.

Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu madaxweynaha Somaliland uga jawaabay eedeyntii Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhawaan sheegay in Somaliland uu xukumo Madaxweyne Badow ah, oo ula jeedo Muuse Biixi oo haya xilka ugu sareeya ee Somaliland ahna hogaamiyaha xukuumadda Kulmiye.

Jawaabta Muuse Biixi ayaa ayaduna noqotay mid lama filaan ah, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka dhabta ah uu ka leeyahay iyo in macnaha kalmada uu isku sifeeyay mid ka duwan uga dan leeyahay.