Wararkii ugu dambeeyey ee shirka iyo qabanqaabada saxiixa heshiiska oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowga loogu jiro munaasabad lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay si wadajir ah u gaareyn Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xir-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada.

Heshiiskan ayaan weli si rasmi ah looga hayn faah-faahin, waxaana la sugayaa war-murtiyeed soo bixi doona.

Xafladda ayaa la filayaa in Berri oo Khamiis ah lagu qabto teendho ku taalo xarunta Afisyooni, waxaana la filayaa inay kasoo qeyb-galan saxiixayaasha heshiiska, Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, Musharixiinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada rayidka ah.

Qodobkii ugu adkaa ee guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa heshiis laga gaaray, waxaana lasoo sheegayaa in Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu riixay inuu sameeyo tanaasul,  isagoo soo magacaabi doono kala bar ka mid ah xubnaha guddiga reer Somaliland ee doorashada, halka uu xubin ku yeelanayo Guddiga heer qaran ee doorashooyinka.

Sidoo kale arrinta Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dhameeyey guud ahaan in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray Magaalada Baydhabo, kaasoo nuxurkiisa ahaa:

1- In xubnaha Maamul Goboleedyada ay wafdi dib u heshiisiin ah u diraan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
2- In Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo.
3- In Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sugaan amniga doorashada.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ee heshiiska ayaa isku afgartay in muddo 3 bil gudahood lagu qabto doorashada, iyadoo wixii khilaaf iyo dood kasoo laabta fulinta heshiiskaas ay go’aan ka gaari doonaan 7-da xubnood ee saxiixayaasha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in booska madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu badalay Rooble.

Munaasabadda ayaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Musharixiinta mucaaradka, Xubnaha Beesha Caalamka iyo kuwa Bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambeyntii uu shirka soo xiri doono madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa Arbacada maanta sii wadaya kulamada iyo wadatashiyada ay la leeyihiin Musharixiinta, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo shaqsiyaadka ay u arkaan in ay door ku leeyihiin doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq waxa uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u sheegay in heshiis wadajir ah ay wada-gaareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si dalka uu u galo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.