Xuutiyiinta dalka YEMEN oo soo qabtay sarkaalkii ay raadinayeen Soomaalida

Sana’a (Caasimada Online) – Dagaalyahan ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, kaasi oo baxsad ahaa muddo kadib markii uu magaalada Sanca ee dalka Yeman ku dilay Nin Soomaali ah, kaasi oo ay Soomaalida Sanca aad u raadinayeen.

War ka soo baxay Booliska magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta Booliska uu soo galay gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse.

Ibraahim Cali oo 36-jir ahaa ayaa waxaa shan xabo oo rasaas ah ku furey gacan-ku-dhiiglaha la qabtay, xili uu kusoo socday goob uu ka shaqeeyo oo ku taala magaalada Sanca, kadib markii uu istaajiyey askarigu oo uu tusay aqoonsigiisa Soomaalinimo.

Marxuumka ayaa waxa uu shaqaale ka ahaa Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca, gaar ahaan waaxda Nadaafada, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Askariga la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khalid Abdibaasid Yaxya Naasir Al-Jayifi ayaa dilka ku fuliyey qori nooca loo yaqaano AK-47, waxayna booliska bilaabeen inay xeer ilaalinta u gudbiyaan kiiskiisa.

Kiiska dilka ee la xaqiijiyey in Abdibaasid geystay ayaa waxaa dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta.

Dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa mararka qaar geysta dilal noocaan ah oo kale ah, ayada oo Soomaalidu ay si weyn usoo dhaweysay in maamulka Xuutiyiinta uu gacanta kusoo dhigo gacan-ku-dhiiglaha dilay Ninka Soomaaliga.