Madaxweynaha Soomaaliya oo xaley ka deggay Washington

Washington (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley ka degay magaalada Wanshinton ee xarunta waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Wanshinton halkaasoo lagu wado in uu kulan kula qaato madaxda dalkaas oo uu ku jiro madaxweyne Brack Obama.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in looga yeeray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, waxana la filayaa in arrimo badan lagala hadlo oo ay ku jirto arrimihii ugu dambeeyay xaaladda Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ku soo dhaweeyay garoonka saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibedda iyo aqalka cad ee dalka Maraykanka.

Wafdiga madaxweynaha oo ka kooban illaa siddeed xubnood waxa ku jira ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka warfaafinta Cilmooge.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in magaalada Wanshinton ay joogi doonaan illaa khamiista soo socota, kaddibna uu aadi doono magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha inta uu halkaas joogo waxa uu la kulmi doonaa saraakiisha wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Bankiga Adduunka iyo madax kale.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Maraynka tan iyo markii loo doortay xilkaas 10-kii September sannadkii hore 2012-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Warraka Washington