32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Madaxweyne Afwerki: “Somalia dal la yiraahdo iminka ma jiro”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa sheegay in iminka aysan jirin wax la yiraahdo Soomaaliya, oo ay u kala qeybsantay dhowr dowladood.

Afwerki oo dalka Eritrea xukumayey tan iyo sanaddii 1993-kii ayaa sheegay in dowlad goboleedyada tirada badan ee Soomaaliya ay dalka ka dhigeen mid kala qeybsan, sidaa darteedna aysan Soomaaliya iminka ka jirin qaaradda Afrika.

“Soomaaliya iminka waa sheeko nooc kale ah – Waa dhibaatada dal kala qeybsamay, waa dal gudaha iyo dibeddaba ay xasarado ka haystaan” ayuu yiri Afwerki oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha dalkiisa.

“Soomaaliya iminka ma jirto” ayuu yiri madaxeynaha Eritrea.

Hoggaamiyaha dalka Eritrea, ayaa dhalleeceeyey dowlad goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya uu sheegay inay yihiin sababta burburka dalka Soomaaliya.

“Marka dal uu kala qeybsan yahay, waxaad arkeysaa Somaliland, Puntland iyo Banadirland, iyo dhowr land oo kale, waxaa taas ka darran qabiilo iyo jilibyo is-wada haysta, waa arrin murugo leh” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay saameeyeen Geeska Afrika oo dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News