Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqay ‘inuu aqbalay’ arrin uu diidana kadib marki…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne uu ku aqbalayo soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa aqbalay soo jeedinta odayaasha dhaqanka, taasi oo ka dhigan in Muuse Biixi uu ka tanaasulay qorshaha uu ku soo horeysiinayay doorashada ururada, si uu xisbiyada mucaaradka meesha uga saaro.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa dhawaan  go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada, oo ay isku hayeen xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa sheegay inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu dambeyntiina uu maanta aqbalay madaxweyne Muuse Biixi.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba, Go’aanka madaxweynaha Somaliland ee soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ayaa sida aan ogaanay ku timid culeys ay xukuumadiisa wajaheyso, kaasi oo ay qeyb ka tahay jabhadda buurta Gacan-Libaax, oo ay dhashay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka.