Madaxweyne Biixi oo shaaciyey arrimo badan oo ku saabsan socdaalkiisi dalka Gini

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay safarkii wafdigu hogaaminayey ay ku tageen caasimada dalka Gini ee Conakry.

Madaxweyne Biixi oo shalay qudbad u jeedinayey dadweyne badan oo ku soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu kaga warbixiyey waxyaabihii uga soo qabsoomay safaradii uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Gini.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowlada Gini ay ka aqbashay inay Midowga Afrika geyso qadiyada gooni isku taaga Somaliland, wuxuuna yiri “Wafdigii aan hoggaaminayey waxaanu socdaal rasmiya ku soo marnay Dalka la yidhaahdo Guinea Conakry (France Equatorial), waxaanu sii marnay Dalka Ethiopia waxaanu kala kulanay labada meeloodba wax wanaagsan iyo Yuhuun fiican iyo qaddarin”.

“Dalka Itoobiya waxaanu joognay 24-saacadood afar iyo labaatankaa saacadoodba waxaanu ku aragnay labadii wasiir ee ugu waa weynaa, Wasiirkii Arrimaha Dibada iyo kii Maaliyada waxaa kale oo Talefoonka nagula soo hadlay isagoo kormeer ku jira Taliyaha cusub ee Ciidamada Itoobiya oo dhan, taasina waxay muujinaysaa milgaha iyo qaddarinta Somaliland loo hayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dawladdii aanu u tagnay si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay gudoonsatay inay qaddiyadeena keento AU, Madaxweyne Alphana waa ka garaabay hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho”.

“Ninka arrintaa galay Diinta islaam uun baa na kulmisa iyo diirkaa madow, isku af ma nihin Faransiis bay ku hadlaan, Ingiriisi baynu ku hadalnaa, isma gaadhno isma dhex galno kaynu dhiig iyo dhaqan, toll, seedi, xidid ahayna waxaas buu inoo quudhay bal kawrama labadaa caqli”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com