Madaxweyne Cabdiqaasim oo soo saaray qoraal uu kaga digayo hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa markii ugu horeysay ku baaqay in xal degdeg ah loo raadiyo xiisad siyaasadeed dowlada Somalia kala dhexeysa maamulada.

Cabdiqaasim, ayaa sheegay inaanu suuragal aheyn in Somalia ay saldhig u noqoto fowdo iyo qas, waxa uuna ku baaqay in lagu daba feylo Qaranka.

Cabdiqaasim, ayaa tilmaamay in Somalia ay u baahan tahay in loo midoobo isla markaana laga qaado halka ay iminka taal, maadaama uu yiri ay iminka muuqato rajo ka duwan tii hore.

Waxa uu cadeeyay in Somalia aysan hagaajin karin laba ruux oo keliya, sidaa aawgeed la doonaayo in la garab istaago dowlada Somalia, oo uu cadeeyay inaanu jirin wax ka mudan in lagu feylo.

”Waxaan ku talinayaa in loo midoobo taabagalinta Qaranka, waxaan hubaa inaanu jirin sharci ka weyn kan dowlada sidaa aawggeed waxaan ku baaqayaa in talada dalka looga danbeeyo dowlada”

”Dowladuna waxaa laga doonaaya inay eegto masiirka Umadda Soomalaiyeed oo ay dhextaal u noqoto dhammaan maamulada ka jira dalka”

Cabdiqaasim, ayaa hadalkan ka sheegay kulan khaas ah oo ay wada qaateen Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna carab dhabay in Qaranimada Somalia ay ku jirto dowlada oo garab lasiiyo.

Sidoo kale, Cabdiqaasim ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka shaqeeyan amniga iyo xasiloonida dalka, inkastoo uu amaanay qaabka ay wax u socdaan.

Dhinaca kale, Cabdiqaasim ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeysiiyaan maskaxdooda oo ay dhistaan dowladooda maadaama Somalia ay saldhig u aheyd burbur iyo dhibaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com