Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gacal iyo Carabeey

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ay soo dhaweeyey xil ka qaadis la sheegay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka ku sameeyen Gudoomiyaha barlamaanka maamulka Cali Gacal iyo Hogaamiye ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay kalsoonida ka waayen Xildhibaano uu sheegay inay ka tirsan yihiin baalamaanka maamulka.

Hogaamiyaha ayaa labadaasi mas’uul ku eedeeyay waxa loogu yeero qiyaano Qaran iyo inay ka shaqeynaayen burburka maamulka.

Xildhibaanada la sheegay inay xilka ka qaaden Gudoomiyaha barlamaanka maamulka Cali Gacal iyo Hogaamiye ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi ayaa taageersan Hogaamiyaha maamulka Xaaf.