Madaxweyne Cagjar oo dab kusii shiday xiisadda kala dhexeysa ururka ONLF

jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo hadal siiyay warbaahinta ayaa dab kusii shiday xiisadda kala dhexeysa Ururka ONLF, isaga oo si kulul ugu jawaabay dhaliilaha uga imaanayo ururkaas oo horay maamulkiisa ugu eedeeyay waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo.

Cagjar ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymahaasi, wuxuuna ONLF ku tilmaamay koox macangag ah oo dulqaad yar, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay intii karaankooda ah dadaalayaan, isla-markaana ay diyaar u yihiin isla xisaabtan dhab ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in deegaanka ay ka jirto baahi badan, laakin ay xoogga saarayaan sidii looga jawaabi lahaa, inta ay awood ahaan dabooli karaan.

“Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yiri Cagjar.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ONLF aysan sixid ka ahayn dhaliisheeda ee ay kaliya dooneyso xukunka, ayna ku mashquulsan tahay danaheeda gaarka ah.

“Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimada kooxaha ku mashquulsan dhalliil-sheegga, kuwaas oo sida muuqata, haddii ay iyagu xilka hayn lahaayeen, laga yaabo inaanay ogolaan lahayn cid ka aragti duwan inay hadashaba!” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in golayaasha awoodda u leh qiimeynta waxqabadka xukuumadda si joogto ah loola wadaago qorshayaasheeda iyo caqabadaha jira ee maamulkiisa, lana xiriira deegaanka iyo horumarintiisa, si wadajir loogu wajaho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan ONLF dhalliilo isdaba joog ah u jeedisay maamulka Mustafe Cagjar, iyagoo ku eedeysay in wax horumar ah aanu deegaanka ka hirgelin intii uu xilka hayay.

ONLF ayaa sidoo kale si guud saluug uga muujisay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida labada dhinac oo horay u yeeshay wada-hadallo looga hadlay xiisadda dhexdooda ah.