Madaxweyne DENI oo kala caddeeyey inuu iska casilayo xilka Puntland iyo in kale

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo dhawaan shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka u sareeya dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa markale ka warbixiyay halka uu marayo ololahiisa doorashada.

Madaxweyne Saciid Deni oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan lagu doortay maamulkaas, ayaa si cad ugu sheegay in uu iska casili doonin xilka madaxweynaha Puntland.

Waxa uu Xildhibaanada u sheegay in haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya uu markaas iska casili doono Puntland, hase yeeshe haddii uu waayo uu halkiisa kasii wadi doono shaqadii maamulka oo uu kusoo laaban doono.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa hadal hayn badan oo ka dhalatay musharaxnimada Deni, si gaarna ahna ula xiriirtay waxa uu ka yaali doono xilka madaxweynaha Puntland ee uu hadda hayo.

Musharaxnimada Deni ayaa waji kale u yeeshay loolanka adag ee madaxtinimada dalka, ayada oo rejo beel ku abuurtay musharaxiin dhowr ah oo markii hore ku tashanayay kuraas u gacan galay Deni.

Si kastaba, Deni ayey ka go’an tahay in isbedel uu ka dhaco dalka, islamarkaana guusha laga wareejiyo Farmaajo, asagu laftiisa dadaal badan ku bixinaya dib usoo laabashadiisa.