Al-Shabaab oo war kasoo saartay ku biirista Sheekh Aadan Sunne

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war kasoo saartay ku biirista kooxda ee Sheekh Aadan Sunne, kaasi oo shalay shaaciyay in uu gaaray deegaanada kooxdaasi ay gacanta ku hayso.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Sheekh Aadan Sunni kulamo iyo martiqaadyo diirran loogu sameeyey magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Sunne ayaa soo kormeer uu ku indho indheynayo kusoo maray deegaanada ay gacanta ku hayso kooxda, sida lagu sheegay qoraalka goor sii horeysay kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa wuxuu kulamo la qaatay qeybaha bulshada sida culimada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulada Islaamiga ee wilaayaatka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wuxuu Sheekh Aadan Sunni sheegay in sababta uu ugasoo haajiray Hargeysa ay tahay inuu xor u noqon waayey faafinta dacwada Islaamka, islamarkaana maamulka halkaas ka jira uu dhaqan ka dhigtay cadaadinta ducaadda iyo garab istaagga hay’adaha dadka gaaleysiiya ee dagaalka kula jira ducaadda Muslimiinta.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Sheekh Aadan Sunne uu kala qeyb-qaadan doono waxay ugu yeeren “halganka halkaas laga soo abaabulo”, taasi oo qeyb ka ah sida la ogyahay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Aadan Sunni ayaa dhowr jeer lagu xiray xabsiyada magaalada Hargeysa, ka hor inta uusan tagin deegaanada kooxda, wuxuuna ku eedeyay maamulka Somaliland in uu uga badbaadi waayay faafinta Diinta Islaamka, islamarkaana albaabada u fureen qolooyin diimo kale faafinaya.

Shalay unbey aheyd markii uu Aadan Sunne idaacada BBC-da ka sheegay in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab, uuna kala qeyb qaadanayo intii karaankiisa ah faafinta Diinta Islaamka, waxaana ku wehlinaya safarkiisa xaaskiisa iyo caruurtiisa.