Shacabka ku nool Muqdisho oo halis wajahaya – “Ma jirto dowlad aan isku haleyneyno”

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa faraha kasii baxaya ammaanka guud, iyadoo ay sii kordheen dilalka iyo falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimada.

Allaha u naxariistee waxaa Muqdisho lagu aasay Marxuum Cabdinuur Cabdullaahi Warsame oo habeen hore kooxo burcad ah ay ku dileen degmada Warta Nabadda.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in Cabdinuur loo dilay inuu sheego Lambar sireedka Bangiga Akoonkiisa, iyadoona laga dhacay taleefankii uu watay.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo Qabuuraha kula hadlay Wariyeyaasha ayaa qaylo dhaan ka muujiyey dilalka arxan darrada ah ee maalin walba ka dhacaya caasimada, wuxuuna ku eedeeyey dowladda federaalka ah inay ka gaabisay sugida amniga shacabka.

“Maalin walba annagoo masaajida ku jirno oo shacab ah ayaa nala dilaa. War dadow nin walba hubkiisa ha qaato dowlad & nabad sugid aan isku haleyneyno ma jirto” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii datay “Cid aad u cabato iyo cid aad wax u sheegto malaha ciidamo dowladda ah oo qoryo wata ayaa dilay Cabdinuur wax wax ka qabtayna malaha,”.

Dilalka ka dhacay Muqdisho kaliya ma’aha midka Cabdinuur, waxaana jira dilal kale  siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho oo ay badi geysatay burcad hubeysan.

Arrintan ayaa keentay inuu kordho walaaca shacabka, waxaana gaabis noqday isku socodka habeenadii degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, amni xumo darteed.

Si kastaba, dowladda ayaa dhankeeda ku cel-celisay inay wax ka qabaneyso amniga, waxaana mararka qaar ciidamada amniga ay howlgallo ka sameeyaan Muqdisho.