Madaxweyne Deni oo maanta magacaabay xilal dhowr ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta sameeyay soo saaray dhowr wareegto oo uu ku kala magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee Puntland, Taliyayaasha ciidanka booliska iyo la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa maxkamadda sare u magacaabay toddoba xubnood, kuwaasi oo kala ah 1. Xassan Yuusuf Nuur (Guddoomiye), 2. Axmed Sheikh Cumar Xassan (Guddoomiye Ku-xigeen), 3. Saciid Axmed Faarax (Garsoore), 4. Maxamuud Cawad Cumar (Garsoore), 5. Saciid Maxamuud Maxamed (Garsoore), 6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi (Garsoore Kayd ah) iyo 7. Aadan Axmed Moxamed (Garsoore Kayd ah).

Garsoorayaasha uu magacaabay madaxweyne Deni ayaa waxa uu mudda xileedkoodu noqon doona 5 sano, sida uu qeexayo qodobka 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Wareegtada labaad ee kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa lagu magacaabay taliyaha ciidanka booliska iyo ku-xigeenkiisa, iyo weliba taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug, kuwaasi oo kala ah;

1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

Sidoo kale wareegtada saddexaad ee isla maanta uu soo saaray Deni ayaa waxa uu ku magacaabay Taliyaha la-dagaalanka argagixisada, kaasi oo u magacaabay S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Wareegtada u dambeysa ayaa wuxuu ku magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada, kuwaasi oo loo magacaabay xubnahaan hoose;

1. Waxaa Cabdiqani Yuusuf Daahir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

2. Waxaa Cabdirisaaq Cali Cartan loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.