Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa kooxda DAACISH

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo ay maxkamaddu dil ku xukuntay kowdii August ee 2019-kii.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed, waxaana lagu helay ka mid ahaanshiyaha Daacish.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu shaacisay inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, kuwaas oo ay qirteen, halka sidoo kale maxkamadda la hor geeyay caddeymo ku filan xukunka ku dhacay ee saaka lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in 24-kii August 2018, Aadan iyo labo ruux oo kale ay Boosaaso ku dileen labo xiddigle Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyihii Gaadiidka Madaxtooyada maamulka Puntland, halka 25-kii October 2018 ay isla Boosaaso ku dileen Cabdiraxmaan Aadan Cali oo ahaa Ganacsade & dilal kale oo ka dhacay Muqdisho.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee soo gala gacanta ciidamada dowladda oo haatan howlgallo culus wada.

Si kastaba, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta dilalka toogashada, waxaana todobaadkan gudihiisa la qisaasay illaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, askarigii dilay wasiir Cabaas iyo labada saaka la dilay.