Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxmed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo u kictamay dalka Jabuuti ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada oo dalkaasi uga qeybgali doona shir ka dhexeeya dalalka Africa.

Shirka ay ka qeybgalayaan Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha, waxaana goobjoog shirkaasi ka noqonaya madaxda Wadamo badan oo afrikan ah iyo Wakiilo metelaya dowladda Shiinaha.

Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Wadamada Afrika iyo sidii dowladda Shiinaha ay maalgashi uga sameysan laheyd Africa.

Geesta kale, shirka oo uu khudbad ka jeedin doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo turxan bixin doona ahmiyada shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com