Madaxweyne Farmaajo oo farriin cajiib ah u diray Erdogan iyo shacabka Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo shacab weynaha dalkaas.

Farmaajo ayaa Erdogan iyo Shacabkiisa ugu hambalyeeyey xuska maalinta qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga, taasi oo ku aadan maanta oo ku taariikheysan 15-ka bisha July.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Shacabka iyo Xukuumadda Dalkaas Xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ee Villa Somalia.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin  lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka walaalahooda Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen  in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.”

Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Maanta oo kale, July 15-keeda, waxaa 5-sano laga jooga afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan askarta dalkaaasi ay isku dayeen afgambi dhicisoobay, kaasi oo ahaa afgambigii 7-aad ee ka dhaca dalkaasi.

Afgambiga dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen sida la sheegay saraakiil daacad u ahaa dhaq-dhaqaaqa Gülen oo 2014-kii lagu daray liiska argigixisada, ayaa waxa xiligaas ku dhintay 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000.

Dadweynaha Turkiga ayaa si weyn uga horyimid afgambigaas, midaasi oo dalka ka bad-baadisay shirqool halis ahaa, waxayna maalintaas noqotay mid taariikhi ah oo ay xusaan dowladda iyo shacabka Turkiga.