Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri guusha xulka qaranka Somalia?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hambalyo dhiiri gelin ah u diray cayaartooyda Xulka Qaranka, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay soo hooyeen.

Madaxweynaha oo Hambalyada soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xulkeenna Qaranka ee ay da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka oo galabta u gudbay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, keddib markii ay hal iyo eber kaga badiyeen Xulka Uganda”.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri geliyay cayaartooyda guusha taariikhiga ah ee ay gaareen.

“Waxaad sare u qaadeen sharafta dadkeena iyo dalkeena, waxaadna muujiseen karti iyo dadaal dheeri ah, waxaan rajeynayaa inaad koobka lasoo guryo noqotaan Insha Allah.” ayuu hadalkiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.