Sacuudiga oo ku hanjabay arrin halis oo ku saabsan xiisadda khaliijka

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Sucuudiga Caadil Al Jubeyri ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay in ay faragelin Milatari ku sameyso dalka Qadar haddii dowladda Dooxa aysan bixin Kharashka Ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Syria.

Warbixin ka soo baxday Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayuu ku sheegay in dowladda Qadar ay qasab ku tahay bixinta kharashka Ciidanka Mareykanka ee Syria sidoo kalena ay Ciidamo u dhashay dalkeeda oo la howlgala kuwa Mareykanka u dirto Waqooyiga Dalka Syria.

“Qadar waxaa in ay Milatarigeeda u dirto dalka Syria, sidoo kalena bixiso kharashka lagu howlgalayo ka hor inta uusan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan joojinin siyaasadda difaacidda Qadar ee Mareykanka.

Jubeyri waxaa uu sheegay in Qadar ay muddo todobaad ah ku qaban karaan haddii aysan dowladda Mareykanka dusha kala socon oo aysan ilaalineyn.

Qadar waxaa ku yaalla Saldhigga ugu weyn Mareykanka ee Bariga dhexe,waxaana ku sugan kumanaan Ciidamada Mareykanka ah, waxaana halkaas uu ka wadaa Mareykanka la dagaallanka Daacish ee Syria iyo Ciraaq.

Isha: Alaraby.co.uk