Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Maxamed Shaakir

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka socda shirka Golaha amniga Qaranka oo la filaayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

Shirka Golaha amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in xal loo helo qodobada looga doodayo shirka.

Shirka Golaha amniga ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo Madaxweynaha dalka la qaadanaayo mas’uuliyiinta maamul goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo uu khilaaf ka dhexeeyo.

Madaxweynaha ayaa kulamada ugu badan la qaadanaayo Madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir kaa oo xal loogu raadinaayo Khilaafka Galmudug.

Illo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in shirka kala dhexeeya Shaakir aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa si aad uga wada hadlay sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhaga adeegayo qaar kamid ah talooyinka uu jeedinaayo Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee waxaa jirta rajo laga qabo in xal loo helo Khilaafka.

Dhinaca kale, Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com