Madaxweyne Farmaajo oo kusoo laabtay Muqdisho

Muqdisho  (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal uu maalmahan ku joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu uga soo qeyb-galay shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maanta hortegaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee kulanka baarlamaanka ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyada oo horey loogu war-geliyey xildhibaaanada labada aqal.

Kulankan oo uu iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan laga maarmin, islamarkaana looga hadlayo maslaxadda dalka.

Sidoo kale wariyeyaasha ayaa loo diiday inay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kadib amar kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ay wado Viilla Soomaaliya iyo xildhibaano taageersan oo lagu doonayo in muddada loogu kordhiyo madaxweynaha, inkastoo ay taasi si weyn uga biyo diidan yihiin xubnaha musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu kala kacay shirkii isha lagu wada hayey ee doorashooyinka ee ka socday magaalada Dhuusaareeb.