Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey in Somalia loo maleegayo halis xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlaayay munaasabadda xuska 1-da luulyo, ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto xili aad u xun oo la doonaayo in la samata bixiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la joogo xili faragalin adag lagu hayo Somalia, isla markaana laga shaqeynaayo kala ququbka Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inay jiraan wadamo badan oo dhibka ay Somalia soo martay iyo mid ka daranba soo arkay,balse weli ay yihiin kuwo aan lumin qaranimadooda.

“Runtii waxaa jira wadamo aad nooga daran haddana ma aysan lumin jiritaanka qaranimadooda wayo waxa ay ogyihiin faa’iidooyinka ay leedahay Qaranimada’’

Farmaajo waxa uu tilmaamay in dalalka noocaas ah aysan ka raali aheyn in hal maalin laga dhex abuuro kala ququb iyo  xiisad Siyaasadeed, waxa uuna su’aal ka keenay sabta ay Soomaalida u qaadi la’ yihiin dhabahaasi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in faragalinta ugu badan Africa ay tahay tan lagu hayo Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay la liiceyso dhibaatooyin ka jira gudaha iyo tan dibada.

“Haddii aan u istaagin hagaajinta dalkeena ogaada waxa aan dib ugu laabankarnaa xaaladihii aynu kasoo gudubnay, waayo waxaa loo tashanayaa sida aan ugu laaban laheenay burbur iyo kala ququb”

Waxa uu sheegay in dadkeena dalkeena ay yihiin kuwo qeybsan oo laga yaabo in ay laga faa’iideesto.

“Walaalayaal waxaan joognaa wadan dadkeena ay kala qeybsan yihiin dalkeena uu kala qeybsan yahay ayna jiri karto faragelin ka faa’iideysanaya kala qeybsanaanteena”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in Somalia oo ah dal barwaaqeysan loo gacan galiyo dad shisheeye waxa uuna cadeeyay inay jiraan kuwo aan diirnixin oo ku taamaaya ka faa’iideysiga dhibta ay ku jirto Somali.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid ku foorara dowladaha kale ee afrika, Reer galbeedka iyo dhinacyada Mucaaradka ee la shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com